Almaas University

Waxaa maantay Jaamacadda Almaas kusoo gabagaboobay madal aqooneedkii loogu magac daray GEODAYS 2022, oo ay soo agaasintay Kuliyadda Culuumta Dhulka Jaamacadda iyo Midawga Ardayda Kuliyadda Culuumta Dhulka Jaamacadda Almaas.
GEODAYS oo soconayay 2 maalin, waxaa lagu soo bandhigay mawduucyo muhiim u ah wadankeena , sida Biyaha, Macdanta , Isbadelka Cimilada iyo Deegaanka.
Intii uu barnaamijkaan socday waxaa ka faa’idaystay ardayda Soomaaliyeed ee barata Culuumta Dhulka, iyadoo aqoon yahanadu ardayda u soo bandhigeen xogo muhiim u ah waxbarashadooda.
Ugu danbeentii , waxaa madal aqooneedka soo xiray Gudoomiye Kuxigeenka Jaamacadda Almaas Eng. Cali Xasan Cige, isagoo ardayda Kula dardaarmay in ay labalaabaan dadaalkooda ah barashada Culuumta Dhulka iyo Deegaanka.